Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland oo Dalka ku marti-qaadday Ganacsato Maraykan ah

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Maalgeshiga ee Somaliland, ayaa dalka ku marti-qaadday maal-qabeenno u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo danaynaya isla markaana indho-indhayn ku samayn doonaan maalgeshi ay dalka ku sameeyaan.

Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga Maxamed Cusmaan Siciid (Maxamed-Somali), weftiga ayaa ka kooban masuuliyiinta sar-sare ee shirkadda Rhoton Global Moke Unlimited.

Agaasime Maxamed-Somali, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku sheegay sidan:- “Annagoo ka duulayna qorshaha dardar gelinta maalgashiga dalkeenna dihin, waxa aannu dalka ku soo martiqaadnnay wefti culus oo Maraykan ah. Weftiga oo ka socday Rhoton Global Company Waxa ay ka koobnnaayeen;

Advertisement

Mr. Bradley J. Layton (CEO) of Company
Mr. Michael D. Rhodes
Mr. Musie.

Weftigan ayaa hore u maalgashaday waddamo badan oo Carabta ah sida KSA, UAE iyo qaar kale. Waxa ay qiimayn iyo indho-Indhayn ku sameeyeen Hay’ado door ah oo dawladda ka mid ah. Waxa ay aad ugu diirsadeen khayraadka dabiiciga ah dalkeenna, nabadda iyo xasilloonida. Waxa noo bilaabmay isfaham,” sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Iyo Wershadaha Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed-Somali).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement