Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ka shirtay Wax-qabadka Saddexdii bilood ee u dambeeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda gaar ahaan saddex-biloodka ee u dambeeyey sannadkii hore, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii qiimeyn loogu samayn lahaa wax-qabadka wasaaradda ee intii u dhaxaysay bilihii October ilaa December ee sannadkii 2020-kii.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud, waxa ka qayb-galay madax-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaraddu ka kooban tahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulanka iyo natiijada ka soo baxday, ayaa u dhignaa sidan:-

“Masuuliyiinta Waaxaha kala duwan ee wasaaradda ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf  iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, waxa masuul kasta laga warsaday wixii uga qabsoomay qorshe-hawleedkii loo xadiday Xafiiskiisa, hawlaha aan u qabsoomin, sababaha keenay kuwa baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta, iyo soo jeedimaha uu qabo masuulkasta.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka  Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.

Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isagoo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmay u diyaargarawga hawlaha baaaxada leh ee masuulkasta horyaala sanadkan bilawga ah ee 2021.

Ugu danbayn, Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa caqabad kala kulmaysay sanadkii tagay saamayntii dhaqaale ee uu abuuray caabuqa COVID-19, iyo Ayixii ku habsaday qaybo badan oo ka mida dhulka JSL, kaas oo samayn ba’an u gaystay wax soo saarkii dalaga iyo dhul-daaqsimeedkii xoolaha, isagoo abuuray kharashaad badan oo lama filaan ah. Waxaanay isugaynta labadaas arimood u gaysteen saamayn taban guud ahaan dhaqaalaha Somaliland.” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net