Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Go’aan Saamayn ku Yeelanaya Basaska Isaga kala Goosha Gobollada dalka

 

Hargaysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland, ayaa soo saartay go’aan xaddidaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka basaska ee isaga kala goosha gobollada dalka, kaas oo si too ah u dhaqan-galaya horaanta bisha 1aad ee sannadkan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cumar C/laahi Aadan oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka Maxamed Cige oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Wejigii koowaad ee hirgalinta barnaamijka gaadiidka loogu xidhayey qalabka xadiddaada xawaaraha  ee lagu bilaabay basaska rakaabka u kala qaada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ku egyahay 05 January 2020, waxaanay cadeeyen inaan wakhtigaas gaadhi rakaab sida oo aanu ku xidhnayn Qalabka Qadidaada Xawaarahaa (Speed Governor) ka gudbayn kaantaroolada.

Shirka  jaraaid oo ay si  wada jir ah, ugu qabten  xafiiska Agaasimaha Guud, ayaaa waxay Sidoo kale,   gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada u qabteen mudo  60 cisho gudaheed ah in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay adeegaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlaaya arintaas ayaa yidhi: – “in 5 bisha January 2020 oo ay ka hadhsantahay mudo 6 casho ah in bas rakaab qaada oo aanu ku xidhnayn qalabka (Speed Governor) aanu ka gudbidoonin kaantarooladda Goboladda JSL, maadaama ay dhamaatay mudadii 90 casho ahayad ee Wasaaraddu u qoondaysay dhamaatay, basaska intii badnayd 90% ay ku xidheen.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Sidoo kale waxaanu Iyagana halkan baaq uga diraynaa oo mudo 60 casho ah siinaynaa gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay in gaadiidka lagaga xidho qalabkaas.”

Ugu danbayntii Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland Maxamed Cige ayaa sheegay in ay amarkaasi fulindoonaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- “ waanu fulinaynaa amarkaas la soo saaray Xawaaraha oo intii badnayd ay iminka yaraatay sidii loogu talo galay intii lagu xidhay gaadiidka shirikadaha qalabkaa lagu xidhay way yaraatay.”

Somalilandpost.net