Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo iska Difaacday Eedaymo loo jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa iska difaacday eedaymo loogu jeediyey wax-qabadka ay qaranka ugu xil-saaran tahay oo lagu dhaliilay.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Gaadiidka oo uu ku saxeexan yahay Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Ismaaciil Cali Axmed, ayaa lagu dedafeeyey barnaamij lagu dhaliilay wax-qabadka wasaaradda oo ka baxay telefishanka HCTV todobaadkan.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku waxay Qaranka ugu xilsaaran tahay bixinta adeegyada Gaadiidka dalka sida Gaadiidka Dhulka , Cirka iyo Badda Somaliland, sidoo kale waxay wasaaraddu u xilsaaran tahay horumarinta jidadka isku-xidha Goboladda iyo Dagmooyinka dalka, dhismaha iyo dayactirka jidadka sida ku xusan Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hayadaha Dawladda (Xeer L/r 01/2018) iyo Xeerka Waddo Marista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka xilka iyo waajibaadka waxaa kula xisaabtamaya Madaxweynaha JSL iyo Shacbi-waynaha soo doortay, cid ujeedo guracan leh kuma raaligalinayso, waxqabadka wasaaradda oo dhammeystiran waxaad ka heli kartaan mareegta www.somalilandtransport.com Buugga waxqabadka wasaaradda ee 2018, halka waxqabadka wasaaradda 2019 la galin-doono dhammaadka sanadka.

Waxa ka muuqata Horn Cable Tv aqoon daro shuruucda mashaariicda, Mashruuca dhismaha wadada Hargeisa-Kalabaydh (SRMP) oo ay maalgaliyeen Dawladda Germany iyo Midawga Yurub EU fulinayso Wasaarada iyo Haya’ada GIZ, waxa jira Project Document inta badan lagu daabaco mareegaha iyo Financial Agreements. Hadaba, sida ku cad Financial Agreementka ay kala saxeexdeen Wasaarada iyo Hayadda GIZ ee No: 81224306 kuna cadahay saamiga ay Dawlada Somaliland ku maalgalisay mashruucaas waxaana laga heli karaa xafiisyada Hayadda Horumarinta Wadooyinka iyo xafiiska Hayadda GIZ ee Hargaysa. Lagumana faafiyo Mareegaha heshiisyada maaliyadeed (Financial Agreement).

Waxaa kale oo ay Wasaaradu Shacbi-waynaha Somaliland u cadeynaysaa in nidaamka iibsiga Macdaadka (Machineries) loo maray si waafaqsan Xeer L/r 82/2018 xeerka Qandaraasyadda Qaranka iyo Siyaasada Gaadiidka Dawlada 2018 ee lagu ansixiyey kalfadhigii 22aad ee Golaha Wasiirada (Qodobkiisa 3.1.2) oo waafaqsan qaabka iibsiga gaadiidka dalka dibadiisa.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku kuma qanacsana Barnaamijka Beenta iyo Borobogaandada ee lagu baahiyay Telifishanka Horn Cable Tv, waxayna ka dalbaneysaa in ay raaligalin buuxda ka bixiyaan muddo 7 cisho ah, hadii kale waxay u gudbin doontaa gal dacwadeed haya’addaha sharciga ee ay khuseyso.