Wasaaradda Duulista Hawada oo Iska Fogeysay Wax Heshiis oo Dhexmaray Shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo Xisbiga UCID dhaliilo ka iftiimiyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland,  ayaa iska fogeysay inay wax heshiis ah la gashay Shirkad lagu Magacaabo ATA Airlines oo la sheegay inau duullimaadyo ka bilaabayso dalka, taas oo xisbiga mucaaradka ee UCID ku tilmaamay shirkad laga leeyahay Maraykanka oo wakhti hore Musalaftay, balse magaceeda ay ku shaqaysanayaan shakhsiyaad u dhashay Somaliland.

Cumar sayidWasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo daba-socota dhaliilo Xisbiga UCID ugu jeediyey in shakhsiyaad gaar ah magaca shirkadda looga faa’idaynayo saami ay ka hesho maamulka hawada sare ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in muwaadiniin u dhashay Somaliland oo wakiil ka shirkaddaas ay wasaaradda u gudbiyeen codsi ah duullimaadyo ay doonayaan inay ka bilaabaan Somaliland, balse taasi suurto-gal noqon weyday markii ay buuxin weyday shuruudihii looga baahnaa.

War Saxaafadeed uu maanta soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo arimahaasi laga halay ayaa u dhignaa sidan:  “ Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, waxay halkan jawaab kaga bixinaysaa Eedaymo been abuur ah oo uga yimid Xisbiga UCID kuwaas oo la xidhiidhay shirkada ATA, oo xisbigu sheegay in lagu wareejiyey, maamulka hawadda Somaliland iyo inay adeegsato magaca qarankan.

Wasaaradda Duulistu waxay Umadda Somaliland iyo xisbiga UCID u cadaynaysaa in shirkada ATA oo laga leeyahay dalka Maraykanka, wakiilna ay u yihiin muwaadiniin reer Somaliland ahi ay soo codsatay in wasaaradu ogolaashu u siiso sidii ay duulimaadyo ugu bilaabi lahayd Madaaradda dalka.

Sida aynu ogsoonahay siyaasada qarankani waxay ku dhisan tahay suuq gacacsi oo xor ah ( Free Market) shirkadaha duulimaadyaduna way soo codsan karaan in Ogolaasho la siiyo, Wasaaradda Duulista iyo Hawadda waxa u yaala shuruudo cidii buuxisana waxa la siiyaa Ogolaasho rasmi ah oo ay dalka kaga shaqayso.

Shirkadani ATA ilaa hada si dhamays tiran uma ay buuxin dhamaan shuruudihii looga baahnaa, Wasaaradduna Ogolaasho rasmiya may siinin, wax duulimaadyo ah oo ay Madaaradda dalka ka bilowdayna ma jiraan.

War Saxaafadeedka Xisbiga UCID waxa lagu sheegay in shirkadani lagu wareejinayo maamulka hawadda Somaliland, waxaanu Xisbiga UCID xasuusinayaa in maamulka hawadda ay Qaramada midoobay gacanta ku hayso, arintaasina uu wadahadal uga socdo Somaliland iyo Soomaaliya, dunidana aanay ka dhicin in shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejiyo maamulka Hawo Wadan.

Qoraalka Xisbiga UCID, waxa lagu xusay in shirkadani ATA la siiyey magaca iyo Astaanta Qaranka Somaliland si ay adeegsato, (Somaliland National Carrier Flag License), sida aynu ogsoon nahay Somaliland waa dal aan Aqoosi caalami ah ka helin beesha Caalamka, mana jito awood sharci oo lagu samayn karo in Magaca iyo astaanta qarankan ay shirkadi duulimaadyo Caalami ah ku samayso.

Ugu dambayntii Waxanu ka xunahay in Maqaal uu qof muwaadin ahi mudo ka hor qoray warbaahinta ku baahiyey Xisbiga UCID uu magaciisa ku baahiyo, Isaga oo aan wax xog ah raadin, waxay ahayd in xisbigu hadii uu Tafaasiil u baahan yahay uu Wasaaradda la soo xidhiidho, sidoo kalena qoraalkaasi waxa ka muuqday Xogogaalnimo la’aan iyo dareen caadifad ku dhisan, Xisbi qarana waa looga wanaagsan yahay inuu arimhaasi oo kale bulshada la hor yimaado, Hore ayaa loo yidhi ‘HUBSIIMO HALBAA LA SIISTAA,” ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulistu ku sheegay war-saxafadeedka.

 

SOMALILANDPOST.NET