Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Ka Jawaabtay Eedaymo Yuusuf Shaacir u Jeediyey

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymo iyo dhalliilo uu shalay u jeediyey Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku tilmaamay inay ka gaabisay hawlihii ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka ee ay Masuulka ka ahayd. Hase-yeeshee, Afhayeenka Wasaaradda Diintu wuxuu sheegay inaanu jirin wax xidhiidh ah oo uu Shaacir la soo sameeyey Wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarasadaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamed Macallin Aadan ahna Afhayeenka Wasaaradda, ayaa maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana sheegay in aanay waxba u jirin sida Yuusuf-Shaacir wax uga sheegay Warbaahinta.

Warkaas oo Faahfaahsan iyo Agaasime Sheekh Maxamed Macallin oo sheegay in weerarro badan oo Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suuban ee Islaamka, Wasaaradduna doorkeeda waxka qabasho ka qaadato, siday wax uga qabtaanna ka duwan tahay inay Warbaahinta wax walba ka sheegaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-