Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo in ka Badan Laba Kun oo Haween ah u Qabatay Kulan Wacyigelin ah

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Khamiistii Maanta Furay Shirweyne Diini ah oo ay isugu yimaaddeen in ka badan laba Kun oo Haweenka Somaliland ka tirsan, isla markaana lagu qabtay Hargeysa.

Kulankaas taariikhiga ah ee ay Haweenka tirada badani isugu yimaaddeen oo ka qabsoomay Hoolka ugu weyn Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayuu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Wasaardda Diinta iyo Awqafta u qaabbilsan Horumarinta Dacwadda Haweenka oo kaashanaya Raabidadda Dacwadda Haweenka ee Hargaysa, ayaa isugu jiray laba qaybood oo qayb ay Wasiirka Diinta iyo Culimada kale ee Kulanka ka qaybgalay ku wacyigelinayeen iyo qayb ay Haweenku si gaar ah isugu wacyigelinayeen.

Ujeeddada Kulanka, ayaa ahayd arrimaha la xidhiidha Nolosha Gabadha Muslimadda ah iyo Horumarkeeda, ugu horreyn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ugu horreyn furitaankii kulankaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey guud ahaan Haweenka iyo Culimada ka qaybgalay iyo Hawl-wadeennada Xafiiska soo qaban-qaabiyey-ba.

Wasiir Khaliil waxa uu ka warramay doorka ay Haweenku ku leeyihiin faafinta Diinta Islaamka iyo Dacwadda iyo weliba sida Diinta Islaamku u Sharaftay Dumarka Muslimiinta ah, xaq suganna u siisay. Wasiirku waxa uu Dumarka Shirkaa ka qaybgalay u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan wacdiyada Diiniga ah ee Culimadu u jeedisay iyo ka ay Haween ahaan isu jeedin doonaan.

Sidoo kale, Culimada Kulankaas ka hadlay, ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimadda ay Haweenku u leeyihiin Islaamka iyo sida Diintu ugu tiirsantay, maaddaama oo ay yihiin masuuliyiinta Guryaha ee barbaarinta Diinta Islaamka iyo Tarbiyadda Ubadku ka soo bilaabanto.

Haweenka, ayaa Xubnaha Diinta ku Xeel-dheer ee Culimada ah ee ka tirsani, waxay Dumarka Kulanka joogay u jeediyeen wacdiyo Diini ah iyo waanooyin la xidhiidha ku dhaqanka suubban ee Sunnaha Nebiga iyo Kitaabka Qur’aanka ah iyo inay wax kasta ka horumariyaan arrimaha Diiniga ah, kuna dedaalaan ku barbaarinta Diinta ee Ubadka yaryar.

Kulankan, ayaa sannadle ah, isla markaana dhawrkii sano ee u dambeeyey ay Haweenka u qabanaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo Culimadu aad u soo dhaweeyey joogtaynta Kulammada Diiniga ah ee Wasaaraddu qabato oo kan Haweenku ka mid yahay.