Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo joojisay Tartan Kubadda Cagta ah oo Hablaha loogu talo-galay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa sheegtay in ay joojisay in tartan kubadda cagta ah oo hablaha ah dalka laga qabto, ka dib markii ay baal mareen shuruucdii wasaaraddu u dajisay.

War ka soo baxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland maanta, ayaa lagu amray in la joojiyo tartanka kubadda cagta ee hablaha oo mudooyinkii u dambeeyay hadal hayntiisu ku badnayd baraha ay bulshadu ku wada xidhiidhaan.

Advertisement

Wasaaraddu waxay joojinta ciyaarahaas ku sababaysay in la baal-maray sidii ay wasaaradda ciyaaruhu tartankaas u qaabaysay oo ahayd in aan muuqaalka hablahaas ciyaaraya laga baahin noocyada kala duwan ee warbaahinta, taas oo aan diinta iyo dhaqanka midna ku fiicnayn.

Warka ka soo baxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland waxa lagu sheegay in wasaaraddu tix-galin siinayso in hablaha iyo wiilashuba ay helaan ciyaaro waafaqsan diinteena Islaamka iyo dhaqanka bulshadeena, isla markaana loo baahan yahay in habluhu ay ku ciyaaraan goobo asturan oo aan muuqaaladooda la soo bandhigin.

Ugu dambayn warkaas oo ka soo baxay xafiiska agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin waxa cidkastoo ku hawlan qaban-qaabada ciyaarahaas u sheegtay inay u hogaansamaan amarkaas, cidii fulinwaydana ay sharciga la tiigsan doonaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On