Wasaaradda Ciyaaraha oo go’aamo ka soo saartay Ciyaartii Shalay Dhexmartay Hawd & Daadmadheedh iyo Ciyaartoy la ganaaxay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ganaax ku riday xulka Gobolka Hawd oo laga mamnuucay ciyaaraha dalka muddo shan sannadood ah, waxaana la ganaaxay shan ciyaartoy oo ka tirsan xulka gobolkaas.

Guddida dacwaduhu waxa kaloo ay go’aankooda ku sheegeen inay ganaaxeen Tababarihii xulka Hawd iyo Ku-xigeenkiisii, halka Gobolka, kuwaas oo lagu eedeeyey inay carqaladeeyeen habsami u socodka Ciyaarta islamarkaana ay gacan u qaadeen garsoorihii iyaga oo dil ugu hanjabay masuuliyiin ka tirsan Waaaaradda ciyaaraha, halka Gobolka Daad-madheedh laga ganaaxay Gool-hayihoodii.

Sidaasna waxa lagu sheegay go’aan maanta ka soo baxay Guddida Dacwadaha iyo Anshax marinta ciyaaraha gobollada, kaas oo u qornaa sida hoos ku xusan:

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net