Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Qorsheynaysa Nidaam Suurto-galinaya in Si deg-deg ah looga Jawaab-celiyo Khasaaraha ka Dhasha Shilalka Gaadiidka

xaglotoosiyeHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye), ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhasha shilalka waddooyinka iyo saamaynta ay dhibaatadoodu ku leedahay wasaaradda caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka, ayaa arrintan kaga hadlay kulan uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa, kaas ay ku weheliyaan Wasiir ku-xigeenka wasaraddaasi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamuud Axmed Jeeniyare, Maayorka Degmada Gebiley, Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda Hawlaha guud iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Agaasimaha xog-ururinta ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdilaahi Cabdi Yuusuf, oo halkas ka hadlay, ayaa si faafaahsan uga warramay khasaraha ka dhasha shilalka gaadiidka gaar ahan lixdii bilood ee u dambeeyey sanadkan isagoo cadeeyey in ugu yaraan 1302 ruux ay ku dhaawacmeen, 32 ruux oo kalen ay ku dhinteen, tiro intaas le’egina dhaawacyo ka soo gaadheen.

Kulankan oo sidoo kale lagu gorfeeyey shilalka wadooyinka iyo meelaha ay inta badan ka dhacaan, waxa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye)oo sheegay inay samaynayan guddi isku dhaf ah oo ka kooban dawladaha hoose, Badhasaabada gobolada dalka iyo wasaaradda caafimadka si loo dejiyo qorshe si degdeg ah loogu gurman karo marka ay shilalku dhacaan, loona dejiyo hannaan lagu yarayn-karo shilalka gaadiidka.

Kulankan, ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa ee lagu gorfeeyo, xalna loogu raadiyo dhibaatooyinka ka dhashay shilalka gaadiidka kala duwan oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey dalka, iyada oo inta badan ay ku naf-waayaan dadka badan, qar kalena dhaawacyo ka soo gaadhaan.

SOMALILANDPOT.NET

contact@somalilandpost.net