Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Somaliland oo Isku Haysta Shaacinta Xogta Covid-19

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Somaliland, ayaa Xogo aad u kala fog ka faafiyey heerka uu dalka ka marayo iyo tirada kiisaska laga helay cudurka Covid-19, kaddib ay labada wasaaradood dhawaan soo bandhigeen macluumaad kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo dhawaan saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in tirada kiisaska laga helay caabuqa Coronavirus marayso 19 qof. Haseyeeshee, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaad oo isla maalintaas hadlay, ayaa shaaciyey inaanay jirin tiro dheeraad ah oo ku soo korodhay kiisaskii hore loo shaaciyey oo ahayd 6 qof, arrintaas oo khalkhal ku dhex-abuurtay bulshada.

Wasiirka Warfaafinta oo ah Afhayeenka xukuumadda Somaliland, ayaa xubin ka ah guddiga heer Qaran ee Covid-19, waxaana guddiga guddoomiye u ah madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, haseyeeshee madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore u shaaciyey in xogta dhabta ah iyo Arrimaha ku saabsan cudurka loo daba-fadhiisanayo Wasaaradda Caafimaadka.

Haddaba, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta bulshada u soo bandhigay warbixinta maalinlaha ah ee ku saabsan cudurka Covid-19, ayaa sheegay inaanay Cid kale oo wasaaradda Caafimaadka ahayni ka hadli karin xogta la xidhiidha caabuqa Coronavirus.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Agaasimaha Guud

https://www.youtube.com/watch?v=jZu0uPchvsw

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net