Wasaarada Kaluumaysiga Oo Kaluumaysatada Ugu Baaqay Inay Is Diiwaangaliyaan

Hargeysa(SLpost)-Wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ugu baaqay kaluumaysatada Somaliland inay doonahooda iyo shaqooyinkoodaba ay diiwaangaliyaan si looga sooco dadka bada sharaci darada kaga kaluumaysta,

Waxa uu sidan ku sheegay wasiir ku xigeenku mar uu maanta warbaahinta la hadlaayay, waxaana hadalkiisa ka mid ah “Maadaama badii lagu soo noqday oo aanu filayno inay kaluumaysatada Somaliland ay u diyaar garoobeen goobihii shaqada iyo kaluumaysiga waa inay intii aan nasiib u helin inay is diiwaan geliyaan iyaga iyo doonyahooda ay is diiwaan geliyaan, ujeedada diiwaan gelintuna waa inaynu doonyaheena ka soocno doonayaha kaluumaystada kale ee ay leeyihiin umadaha kale ee ku soo xad gudba bada Somaliland, sidaas darteed waxay xaq u yeelan doonaan inay caalaamada somaliland ka muuqan doonto doonyaheena, taas oo ciidamada amniga iyo cid kasta oo ku mashquulsan kala garashada cadawga iyo dadka Somaliland ay u fududaan doonto inay kala gartaan, shacabka Somaliland ee ku mashquulsan kaluumaysigu waa inay ku deg degaan oo ay qaataan lanbarada doonyaha iyaguna ay is diwaan geliyaan.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi