Wasaarada Deegaanka Oo Talaabo Ka Qaadaysa Warshada Haraga Dacarbudhuq

Hargeysa(SLpost)-Dadka ku nool deegaanka Dacarbudhuq ee bariga Hargeysa ayaa cabasho ka muujiyay khatar xagga caafimaadka iyo deegaanka in ay ku heyso wasakhda wershada hargaha oo muddo hore ay halkaasi ka sameeyeen ganacsato Shiinees iyo Soomaali isugu jira.

harag

Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland, Shukri Xaaji Bandare, ayaa caddeysay inay go’aamo ka soo saareen cabashooyinkaasi.

Waxa ay sheegtay in ay tahay in la dhowro nadaafadda deegaanka iyadoo la raacayo heerarka badqabka deegaanka ee Qaramada Midoobay.

Khubarada ku xeelka dheer deegaanka ayaa sheegay in ay markii horaba khalad aheyd in deegaankaasi oo ay biyuhu soo maraan laga dhiso warshadda.

Injineer Axmed Xaashi Warsame, oo khabiir ku ah wershedaha hargaha kana soo shaqeeyay warshaddii Hargaha iyo Saamaha ee Hargeysa ee dowladii hore ayaa waxa uu u sheegay weriyaha BBCda, Axmed Saciid Cige, in warshadaha hargaha ay mamnuuc tahay in aanan la ag dhisin dooxa ama meelaha biya dhaca ah.

Hasayeeshee waxa ay sheegaysaa Shukri Xaaji, in ay daraasad ku sameyn doonaan in warshaddu ay ku haboon tahay in meesha ay ku haboon tahay iyo inkale, waxa ayse carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay wax soo saarka warshadaha iyo tayeenteedaba.