Warsaxaafadeed: ‘Dastuurka Somaliland ma ogola in dad aan ciidan ahayn la saaro maxkamad ciidan’

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqda Bani’aadamka ee Fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa tilmaantay inaanu dastuurka Dalku ogolanayn in Maxkamadaha Ciidamadu ka gar-naqaan Dacwadaha ka dhanka ah fal-dambiyeedka Dadka Shacabka.

Warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Xaruntan, ayaa u dhignaa sidan: “Waxa Maxkamadda Sare ee Ciidanku ay soo saartay xukun ay ku riday 22 qof oo ka soo rafcaan qaatay xukun hore oo maxkamadda derejeda kowaad ee ciidamadu ku riday. Dadka Maxkamadu xukuntay waa dad aan ciidan ahayn oo lagu eedeeyey inay weerareen xero ciidan oo ku taal duleedka bari ee Hargeysa. Rafcaanka ay soo qaateen eedaysanayaashu wuxuu ku salaysnaa in aan maxkamada ciidanku awood u lahayn inay dhegaysato dacwad ay dhinac ka yihiin dad shacab ah.

HRCXarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga xuntahay xukunka ay soo saartay maxkamadda ciidanku ee ay ku xukuntay dad shacab ah. Sida ku cad qodobka 104(1) ee dastuuurka Somaliland maxkamadaha ciidanku waxay gaar u leeyihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ah ee lagu oogo xubnaha ciidanka qaranka. Qodobka 128 ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa in xeer kasta oo ka soo horjeeda dastuurka uu yahay waxba kama jiraan. Sidaasdarteed, adeegsiga ay maxkamada ciidanku adeegsatay Xeerka Ciqaabta ee Ciidamada waa mid aan waafaqsanayn dastuurka.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay adkaynay in qodobada 28 aad ee dastuurku uu si cad u damaanad qaaday in qof kastaa uu xaq u leeyahay in lagaga soo oogo dacwad maxkamad awood u leh.

 

Talo-soo jeedin

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku talinay in dacwadda ay dib u qaado maxkamad madani ah (civilian court) si loo raaco dastuurka loona ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee banii aadamka.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka