Warmurtiyeed Laga Soo Saaray Kulanka iyo Tababarka Safiirrada Somaliland

Hargeysa(SLpost) – Kulan afar maalmood   Magaaladda Hargeysa uga  socday wakiillada dalalka dibada u fadhiya Somaliland, oo uu furay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa lagu falan-qeeyay qorsheyaasha iyo himiladda siyaasadda dibadda ee Somaliland. Kulankan oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shirre, ayuu sheegay in kulankan qasdigiisu yahay  sidii loo dejin lahaa siyaasadda khaarajiga.

“Waxaynu halkan iskugu nimid si aan uga wada hadalno dariiqii aynu ku gaadhi lahayn aqoonsi caalamiya,”ayuu  tilmaamay, isagoo xusay in tusmadii ka qeyb-gelayaasha  shirkan iyo soo jeedimahoodiiba ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso in la isku dubo rido siyaasadda arrimaha dibadda (foreign policy). Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay niskii dambe ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland.

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in dadkii ka soo qeyb-galay shirkan ay ku jireen  Wasiirradii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda soo maray, xubno Baarlamaanka ka tirsan iyo saraakiil ka socday xisbiyadda mucaaridka ah.

Wasiirkii hore ee Khaarajiga Drs. Edna Aadan, ayaa tidhi “Siyaasadda Arrimaha dibaddu ma aha mid u taalla ama ay danaynayso oo kaliya wasaaradda khaarajigu ee waa mawduuc khuseeya dadka Somaliland oo dhan.”

War-murtiyeedka waxa lagu sheegay in tallooyinkii madaxdii ka qeyb-gashay la qoray doodahoodii. Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay intaasi ku dartay inay shacbiga Somaliland u caddeynayso inay sii waday
so juhdiga loogu jiro aqoonsiga Somaliland “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-banaan oo xaq u leh aaya-ka tashiga qaranimadiisa,”Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajga Somaliland.