“Warka Odhanaya Wuxuu Waabeeye Ku Biiray Waddani, Wax Ka Jiraa Ma Jiraan, Anigu Isbahaysiga Ayaan Ka Mid Ahay, Waxaanu Ku Tashano Ayay Taladayadu Noqonaysaa” Waabeeyo

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ah guddoomiye xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE islamarkaana ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa beeniyay inuu ku biiray xisbiga Waddani islamaraana uu guddoomiye Cirro ku weheliyay safariwacyigelin ah oo uu ku marayay deegaano ka tirsan Gobalka Togdheer.

Xildhibaan Waabeeye oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu muddo safar wacyigelin ah ugu maqnaa gobalada Togdheer iyo Oodweyne, waxaanu sheegay in wefti uu horkacayo guddoomiye Cirro oo ay xildhibaano ka mid yihiin ay ku kulmeen magaalada Laan-mulaaxo ee gobalka Togdheer oo uu xildhibaanku ku sugnaa, “Sidaad la socotaan waxay diiwaangelintii ka bilaabantay gobalka Togdheer, maadaama oo aan ahay xildhibaan laga soo doortay gobalka Togdheer, waxaan ka qayb qaatay wacyigelinta diiwaangelinta ee Togdheer iyo Daad-madheedh, waxaanan safarkayga ka bilaabay Oodweyne anoo markii dambena gaadhay xuduudka Hawdka halkaas oo aan dadka ku wacyigelinayay inay qaataan kaadhka codaynta doorahada.”

Xildhibaanka oo sharaxaya sida ay guddoomiye Cirro iyo weftigiisa ugu kulmeen deegaanka Laan-mulaaxo wuxuu yidhi “Khamiistii anoo jooga Laan-mulaaxo oo wacyigelintii wata waxa igu soo maray Guddoomiyaha Waddani iyo wefti uu horkacayo oo xildhibaano ka mid ahaayeen, waxaanay halkaas nala joogeen in ka yar saacad, waxaanay noo dhaafeen khaatumo oo ay qado ku lahaayeen. Waxaan ka mid ahaa dadkii ay deegaankas ugu yimaadeen, waxaanan anigoo ku hadlaya afka isbahaysiga ku soo dhaweeyay magaaladaas Laan-mulaaxo oo aan idhi ku soo dhawaada, waxaanan ahay guddoomiye xigeenka KULMIYE weliba isbahaysiga dimquraadiyad doonka ayaan ahay, laakiin sidii caadada iyo dhaqanku ahaan jiray waxaan idinku soo dhawaynayaa magaalada aad iigu timaadeen. Intaas markaan idhina waan ka baxay kulankii oo iyagaa sii watay wacyigelinta iyo kulamadoodii kale, waxaanay markiiba noo dhaafeen deegaanadaas kale.”

Ugu dambayn xildhibaanku, wuxuu yidhi “Markaas warka odhanaya wuxuu Waabeeye ku biiray Waddani, wax ka jiraa ma jiraan, anigu isbahaysiga ayaan ka mid ahay, koox ayaanan nahay wixii aanu ku tashano ayay taladayadu noqonaysaa, aniguna ma ihi nin saaxiibadii ka rayi iyo tallo duwanaanaya, dadkuna markay safar ku jiraan deegaanada way ku kulmi karaan oo weligeedba waanigii annagoo KULMIYE ah deegaanada iyo magaalooyinka ku kulmi jirnay UDUB. Markaas warkaa waxba kama jiraan, isbahaysiga ayaanan ka mid ahay, welinka halkaygii ayaan ahay, talada la qaatana waan la qabaa.”

Xigasho Geeska Afrika