Wariya La Xidhay Kadib Markii Magaca Madaxweynaha Oo Warka Ku Jiray Uu “Mudane” Ka Horreysiin Waayey

Aljeris (SLpost)- Maareeyaha guud ee talefishanka dalka Aljeeriya ee Cannal Algerie Tawfiiq Khalaadi ayaa shaqada ka eryey saxafi caan ku ah warbaahinta oo lagu magacaabo Axmed Laxri oo wararka ka akhriyey jiray talefankan, isaga oo lagu eedeeyey in isaga oo warka jeedinaya uu galay qalad fool xun kadib markii magaca madaxweynaha dalka Cabdalcasiis Buu Tafliiqa uu sheegay isaga oo aan ka horreysiin erey sharfid muujinaya, tusaale ahaan aan odhan Mudane ama Sayid Cabdalcasiis Buu Tafliiqah.

3537218-Abstract-vector-color-map-of-Algeria-country-Stock-Vector-alger

Maareeyaha talefishanka Tawfiiq Khalaadi ayaa ku dooday in ficilkaas uu ku kacay wariyuhu ee ah in magaca madaxweynaha uu ka horreysiin waayo kelmad ixtiraam iyo sharfid muujinaysaa ay tahay khalad dhinaca xirfadda ah iyo xaqiraad aan la aqbalin karin oo uu kula kacay madaxweynaha dawladda oo ah astaanta ugu sarraysa ee qaranka.

Wariye Axmed Laxri ayaa isagu ku dooday in aanu arrinkaasi badheedh ka ahayn balse uu u dhacay si aan ku talogal ahayn. Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa dadweynaha dalka Aljeeriya ka dhex abuuray xiisad iyo dood kulul, gaar ahaan dhalinyarada oo sheekada iyo doodda la xidhiidha aad isugu dhaafsanayey Bar-kulannada bulshada ee internet ka.

Isla maalinta ay arrintani dhacday ayaa gabadh wariye ah oo iyaduna warka ka akhriyeysay talefishanka A-Shuruuq Tv ee dalkaasi ay sidan oo kale uga tagtay in magaca madaxweynaha ay ka horreysiiso kelmad muujinaysa sharfid iyo ixtiraamid, iyadana isla markiiba shaqada ayaa laga joojiyey waxaana arrinkeeda loo gudbiyey guddi anshax marin ah. Dalka Aljeeriya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah loogu eedeeyo cabudhinta warbaahinta iyo guud ahaanba dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.