Warbixintii u dambeysay Xaaladda Covid-19 ee Somaliland iyo Go’aamo Hor leh oo lagu xakamaynayo Fiditaanka Cudurka

 

Hargeysa (SLpost)= Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga iyo maareynta Cudurka Covid-19, ayaa maanta shaaciyey go’aamo hor leh oo lagu xakamaynayo fiditaanka xannuunkan.

Guddigu waxa ay sheegeen inuu xannuunku si xawli ah ugu fidayo gobollada dalka isla markaana ay kor u kacday tirada dadka xannuunka laga helay iyo kuwo u geeriyooday xannuunka, waxaanay guddigu soo bandhigeen guud ahaan tirada guud ee xaaladda Covid-19 ka marayo dalka saddexdii bilood ee u dambeeyey.

Advertisement

Guddigu waxa ay soo saareen go’aamo ka kooban Lix Qodob oo lagu xoojinayo dedaallada kor loogu qaadayo xakamaynta xannuunka Covid-19 oo inta la xaqiijiyey saddexdii bilood ee u dambeeyey ay u geeriyoodeen 50 Qof, halka 13,732 qof oo cudurka laga baadhay laga helay 935 ka mid ah guud ahaan dalka.

Halkan waxa aanu idinku soo gudbinaynaa go’aamada ay guddigu maanta soo saareen oo ay ku lammaan tahay warbixinta xaaladda xannuunka ee saddexdii bilood ee u dambeeyey.

Go’aamada iyo Warbixinta Guddiga heer Qaran ee Covid-19

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On