Warbixin soo Faqday Musuq-maasuq Baahsan oo Ka Dhacay Laamaha Maaliyadda ee Soomaaliya

 

Muqdisho (SLpost)- Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeed ku saabsan baadhitaan ay ku sameeyeen Hay’adaha maaliyadda dowladda ee dalkaas.

War-bixinta ayaa lagu xusay inay Qasnadda Dawladda ka maqan tahay Malaayiin dollar, balse aan illaa hadda la garanayn sida loo isticmaalay iyo cid lagu tuhunsan yahayba.

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baadhista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixintan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hay’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hay’adda dambi baadhista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla-markaana aan la helin hab baadhistu ku sii socon karto.

“Muunadda baadhista aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaadhaya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baadhista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu xusay deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, waxaanay Warbixintu sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaadhayso $19,872,827 doolar.

Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.

@HCTV