Warbixin Laga Diyaariyey 8-kun Muwaadiniinta Kenya Ah Oo Mahadiyey Somaliland

Nairobi (SLpost)- Telefishanka Citizen TV oo ka mid ah warbaahinta ugu faca-weyn dalka Kenya, ayaa warbixin ka sameeyay muwaadiniinta u dhashay dalkaas ee ku nool Somaliland, kuwaas oo intooda badani ku shaqeystaan xirfadaha dhismaha, macalinimada iyo Caafimaadka.

Warbixinta oo xambaarsan xog-warran laga qaaday reer Kenya, waxa ay Somaliland ku sifeeyeen waddan xasiloon oo dawladnimo shaqeynaysaa ka jirto.

Waxa ay ka marag kaceen sida Somaliland gabi ahaanba uga duwan tahay dalweynihii Laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna sheegeen inay nabadqab iyo xasilooni kaga shaqeystaan Somaliland.

Mid ka mid ah haweenka Kenyanka ah ayaa sheegtay markii ay ka imanaysay Nairobi ee ay shaqada ka heshay Hargeysa in hooyadeed u werwertay amnigeeda, hase yeeshee ay imika yaqiinsatay in Somaliland tahay dal nabadgelyadeedu cago adag ku taagan tahay oo ay kalsooni buuxda ku qabto.

Muwaadiniinta Kenya ee la waraystay waxa ay sheegeen inay Somaliland xagga furfurnaanshaha iyo nidaamka dawladnimo iska shabbahaan Kenya.