Warbixin ku Saabsan Socdaal Shaqo Oo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare Ku Mareen Gobolada Bariga Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee u guurray gobolada barriga dalka ayaa u qaybsanaa saddex kooxood, oo ku kala jihaysnaa gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.

Garsoorayaasha ayaa muddo 3 todobaad ah ku gudo jiray safarkooda shaqo, kaasi oo salka ku hayay soo eegisaha goobaha lagu muran sanyahay, dhagaysiga darafyada iyo qaadista dacwadaha. Kooxda koowaad ee Garsoorayaasha oo ka koobnaa 3 Garsoore oo kala ah Axmed Diiriye Qaalib, Cabdilaahi Cabdi Aadan iyo Sheekh Cali Shucayb Sh. Ibraahin oo ay kaalinayeen Khadar Muuse Cabdi iyo Cabdikariin Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka amba-baxay xarunta Maxkamadda Sare iyagoo ku jihaysnaa deegaanada baaxada leh ee gobolka Sanaag. Waxaanay dacwado ku soo dhagaysteen deegaannada Dayaxo, Ilad garaad, Ceel-qoray, Kabiid, Dab-xidig, Ceel-Af-weyn iyo gudaha magaalada Ceerigaabo.

Halka ay labada qaybood ee kale u amba-baxeen Gobolada Saaxil iyo Togdheer, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cumar Geele, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Yaxye Cali Idiris iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay kaalinayeen Muuse Maxamed Sh. Ibraahin, Cumar Cabdiwahaab Siciid, Cabdisalaan Muuse Ducaale, Cismaan Maxamed Caydiid iyo Mubaarig Aadan Cabdilaahi. Garsoorayaasha ayaa soo eegay isla markaana dhagaystay goobo ay dacwado ka socdeen oo ku yaala degmooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Beer, Yiroowe iyo deegaanka Ragadka. Iyo deegaannada baaxada leh hoos yimaada gobolada Saaxil iyo Togdheer.

Guud ahaan dacwadaha ay ka soo garnaqeen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, soona eegeen goobaha ay dacwaduhu ka socdaan ayaa ka koobnaa 96 dacwadood, kuwaasi oo 20 kamid ahi Ciqaab ahaayeen halka 76 dacwadood ay Madani ahaayeen. Waxa xusid mudan in 20-ka dacwadood ee Ciqaabta ah ay saddexda kooxood ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ku wada galeen hoolka dacwadaha ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay wehelinayeen Ku-xiggeennada Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Cismaan Mire Mawliid Cabdi Muuse iyo Jamaal Jaamac Xaashi.

Ka sokow dhagaysiga dacwadaha iyo soo eegisaha goobaha ay dacwaduhu ka socdaan waxa iyana qayb weyn ka ahayd maaraynta cabashooyinka, kuwaasi oo ay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ugu kuur galayeen arrimaha ay dadweynuhu ka cabanayaan isla markaana u maaraynayeen.

Socdaalkan shaqo ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay ugu guurreen gobolada bari iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada ayaa kamid ah dedaaladda ay Maxkamadda Sare ee dalku ku hoggaaminayso Maxkamadaha Guurguura. Sannad walba Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u guuRra deegaannada ay maamulaan ee hoos yimaada. Halka bil kastana qaybo (Chambers) kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare u kala guurraan gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka.

Maxkamadaha guurguura ayaa sidoo door muuqda kaga jira dedejinta dacwadaha iyo u fududeynta bulshada adeega Garsoor ee ay xaqa u leeyihiin, iyadoo bulshada loogu garnaqayo kambalka guryahooda halkii ay safar dheer u soo gali lahaayeen magaalada Hargeysa oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare.

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL