Warbaahinta BBC Oo Dowadda UK Ka Diidday Inay “Argagixiso” ugu yeedho Ururka Xamaas

BBC refuses UK Government demand to call Hamas terrorist

London (SLpost)- Warbaahinta BBC-da ayaa ku gacan-saydhay Dowladda UK oo ka dalbatay inay Ururka Hamaas ugu Yeedho Koox Argagixiso ah.

Afhayeen u hadlay warbaahinta BBC, ayaa sheegay inaanay u hoggaansami u doonin cadaadis Dowladda UK ku saarayso inay warbaahin ahaan kelmadda “Argagixiso” u adeegsadaan Ururka Xamaas.

“Muhiimad weyn ayaanu siinaa nooca luuqadda aanu isticmaalayno. Qofkasta oo na daawanaya ama na dhagaysanaya wuu maqlay ereyga ‘argagixiso’ marar badan oo la isticmaalay, taasna waxaanu u nisbaynaa dadka isticmaala, sida Dowladda UK oo kale, habkanina waa mid tobanaan sanno la soo isticmaalayey oo aanu kala simannahay warbaahinta kale.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka u hadlay BBC-da

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray oo yidhi, “BBC-du waa warbaahin tifaftir ahaan madax-bannaan oo shaqadeedu tahay inay si sax ah u gudbiso sida wax u dhacayaan, xukunkana dhegaystayaashaa iska leh”.

Wasiirka Dhaqanka ee UK, Lucy Frazer, ayaa agaasimaha Guud ee BBC u gudbiyey inay wax ka beddalaan hab-raacyadooda.

Warbaahinta BBC-da, ayaa ka kooban Television, Idaacad, Mareegaha wararka iyo Ciwaannada Baraha Bulshada.

Ururka Hamas oo gacanta ku haya maamulka Marinka Gaza, ayaa toddobaadkan weerar lama filaana ku qaaday gudaha Israel, waxaana weerarkaas ku geeriyooday boqolaal qof oo isugu jira Muwaadiniinta Israel iyo kuwo Ajaanib ah iyo dhawaaca kumanaan kale.

Israel oo ka jawaabaysa weerarkaas, ayaa maalintii afraad duqeymo ku wadda marinka Qaza, waxaana duqeymahaas ku geeriyooday 921 qof halka tirad dadka ku dhaawacmay lagu sheegay 4,500, kuwaas oo badankoodu yihiin Dad shacab ah oo haween iyo carruur isugu jira.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net