Wararkii u danbeeyey Dhul-gariir ku Dhuftay Taiwan

Advertisement

Taipei (SLpost)- Laba Dhulgariir oo is-xiga, ayaa Saqdii Dhexe ee caawa ku dhuftay dalka Taiwan.

Labada Dhulgariir oo laga dareemay caasimadda dalkaas ee Taipei, ayaa midkood oo aad u xoogweynaa cabbirkiisana lagu sheegay 6.6 waxa uu ku dhuftay Koonfurta Bari ee Taiwan, haseyeeshee ilaa hadda lama soo sheegin khasaare nafeed oo uu geystay.

Labada Dhul-gariir oo xudduntoodu ahayd gunta hoose ee Badda oo 30km ka hoosaysa oogada sare, ayaa laga dareemay guud ahaan dalka Taiwan, sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee Reuters.

Advertisement

Deegaannada sida xooggan looga dareemay dhulgariirka oo ku yaalla dhul buuraley ah ayaanay dad badan ku noolayn.

Waddanka Taiwan ayaa ku yaalla dhul juquraafi ahaan ay ku badan yihiin dhulgariirradu.

Waxa ay ahayd sannadkii 2016-kii markii u dambaysay ee dhulgariir ku dhufto dalkaas, waxaana xilligaas ku geeriyooday 100 qof.

Dhul-gariirkii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhacay, waxa ku geeriyooday dadka ka badan 2 kun qof sannadkii 1999-kii.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Advertisement