Wararkii u dambeeyey Qarax Gilgilay Galkacyo iyo Magacyada Masuuliyiin ku dhintay

 

Hargeysa (SLpost)- Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ee Soomaaliya, waxaanu qaraxani sababay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxan oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey oo walxaha qarxa isku soo xidhay, waxa dadka ku geeriyooday ka mid ah masuuliyiin dowladeed oo intooda badan yihiin saraakiil Ciidan.

Qaraxa ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha maanta lala eegtay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada Galkacyo, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay deegaamada maamul-goboeedka Galmudug.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay, waxaa ka mid ah: Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan, Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali, Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliyaha ciidanka xoogga  Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxa.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Cali Yare Cali, oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayaa tacsi u diray eheladooda.

“Aniga oo ku hadlaya afka maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho waxaan tacsi u dirayaa maamulka Galmudug, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen walaalaheen ku dhintay qarixii Gaalkacyo, ka shaqsi ahaan waxaan tacsi u dirayaa labadeeydii saaxiib ee sida sawirkan ka muuqata Midig iyo Bidix ii ahaa muddadii aan ka shaqeynayay dhismihii Galmudug Sarreeye Guute Cabdicasiis C/laahi (Qooje Dagaari) iyo Gaashaanle sare Mukhtaar Cabdi Aadan iyo saraakiishii kale ee la dhimatay waxaana Alle uga baryayaa naxariistiisii Janno,” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Banaadir.

Waxa kale oo uu sheegay, “Sidoo kale waxaan Tacsi gaar ah diyaarayaa Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey) oo ahaa halyeey taariikhdu ku xusi doonto kaalintiisii lama ilaabaanka aheyd ee uu ka qaatay Nabadeyntii walaalaha Gaalkacyo wada daga.”

Waxa uu baaq u diray dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Dowlada Federaalka waxaan ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la gaarto dadka walaalaheen ah ee reer Galkacyo”.

Qabanqaabada soo dhoweynta weftiga Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa deegaamo ka tirsan gobolka Mudug, ayaa halkaas ka socotay markii uu qaraxa dhacayay.

Dhowaan ayay ahayd markii uu qarax ka dhacay magaalada Galkacyo, kaas oo lala eegtay xarun dowladeed.

 

 

@BBC Somali