Wararkii u dambeeyey Natiijooyinka Codbixinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxa uu ilaa hadda shaaciyey natiijooyinka hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka 19 Degmo Doorasho iyo Wakiillada ee Shan ka mid ah lixda Gobol ee dalka.

Guddiga Doorashooyinka waxa ay shaaciyeen natiijooyinka hordhaca ah ee codbixinta 19 Degmo Doorasho oo ay ku soo baxeen 203 xildhibaan, halka sidoo kale ay shaaciyeen xildhibaannada ku soo baxay Golaha Wakiillada ee Shanta Gobol ee dalka.

Golaha Deegaanka waxa hoggaaminaya Xisbiga Kulmiye oo ilaa immika ku guulaystay 87 Kursi, halka xisbiga Waddani ka haysto 72 kursi. Xisbiga UCID, ayaa haysta 44 kursi guud ahaan, waxaana ilaa hadda la sugayaa natiijada codbixinta degmada Hargeysa oo la filayo in maanta gelinka dambe lagu dhawaaqo.

Golaha Wakiillada Somaliland oo 82 Kursi ka kooban, waxa hoggaaminaya Xisbiga Waddani oo ku guulaystay 24 Kursi, halka Xisbiga Kulmiye haysto 22 kursi. Xisbiga UCID ayaa ku guulaystay 17 Kursi. Waxa wali la sugayaa oo hadhsan natiijada codbixinta gobolka Maroodijeex oo 20 Kursi ka kooban.

Wadarta Natiijooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo qaab Shaxaysan loo diyaariyey, kaga bogo Muuqaalka Hoose