Wararkii u dambeeyey Kulanka Madaxweyneyaasha Somailand iyo Kenya, arrimo laga wada-hadlay iyo Ballanta kulanka Berri

 

Nairobi (SLpost)- Dowladda Kenya, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan laba geesood ah oo Isniinta maanta magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Kenya, Uhurru Kenyatta oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo shalay gelinkii dambe ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, waxaana soo-dhaweyn iyo qaabilaad maamuuskeedu sarreeyo kaddib ay labada dhinac kulankooda kaga hadleen arrimo dhowr oo khuseeya danaha labada waddan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha dalkaas Kanze Dena Mararo, kulanka labada hoggaamiye, ayaa intii uu socday labada dooday arrimo khuseeya danaha labada waddan, waxaana maalinta Berri loo ballamay kulan ay mar kale wada-yeelaan doonaan madaxda Somaliland iyo Kenya.

War-saxafadeedka ka soo baxay madaxtooyada dalka Kenya, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha dalka mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti galiyay wadahadalo laba geesood ah oo u dhaxeeya Kenya iyo wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Intii kulanku socday, waxay labada hoggaamiye bilaabeen doodo ku saabsan arrimo dhowr ah oo dan u ah labada waddan ee Kenya iyo Somaliland. Labada wefti ayaa lagu wadaa inay mar kale kulmaan berry oo taariikhdu tahay 15ka Decenver 2020 si loo dhammeeyo wada-hadallada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Kenya.

In kasta oo aan faahfaahin laga bixin arrimaha ay labada hoggaamiye ka wada-hadleen, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya ka wada-hadlayaan xoojinta xidhiidhka labada waddan, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, maalgeshiga iyo dibloomaasiyadda.

Madaxweyne Biixi iyo weftiga wasiirrada ah ee socdaalka ku weheliya, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku ku gaadhay dalka Kenya gelinkii dambe ee Isniintii shalay, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net