Wararkii u dambeeyey Kulamada Isbahaysiga Mucaaradka, Aragtida Siyaasiyiinta iyo Loollanka Maayarnimada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Waxa wali magaalada Hargeysa ka socda kulamo maalmihii u dambeeyey ay yeelanayeen labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani oo dhawaan ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed kaddib markii ay ku guulaysteen aqlabiyadda kuraasta Goleyaasha Deegaanka iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Wararka laga helayo kulamadan oo kii ugu dambeeyey ka qabsoomay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay jirin natiijo midho-dhal oo ka soo baxday, kaddib markii khilaaf ka soo baxay saami-qaybsiga labada xisbi, gaar ahaan Kursiga Maayarka Hargeysa.

Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay is-bahaysiga ay ku doonayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka oo caasimadda Hargeysa ugu horeyso

Advertisement

Kulamo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey u socday guddiyo ay labada xisbi u saareen heshiiska qaybsiga kuraasta, ayaa labada dhinac ku heshiiyeen in Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani la siiyo shir-guddoonka Golaha Wakiillada, xisbiga UCID-na uu qaato Maayarka magaalada Hargeysa.

Heshiiskaas siyaasadeed ee dhexmaray Xisbiyada mucaaradka ayaa meesha ka saartay isla markaana god madow ku ridday damaca uu ku doonayey inuu ku noqdo Maayarka Magaalada Hargeysa siyaasiga da’da yar ee Cabdikariim Maxamed Mooge oo ka tirsan Xisbiga Waddani, isla markaana noqday Murashaxii ugu codka badnaa ee loo doortay mudaneyaasha Golayaasha Deegaanka dalka.

Go’aanka labada xisbi mucaarad heshiiska ku gaadheen ayaa markii uu bannaan u soo baxay, waxa shacabka caasimadda soo gaadhay warar sheegayey inuu Cabdikariim Maxamed Mooge ka tanaasulay hankiisa hanashada maayarka Hargeysa, waxaanay taasi sababtay in Cabdikariim Maxamed Mooge la hadlo warbaahinta isla markaana uu baaq qaylo-dhaan ah u diro madaxweynaha Somailand Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaaqay inuu soo fara-geliyo arrintan maadaama oo heshiiska xisbiyadu ka hor imanayo damaciisa siyaasadeed iyo rabitaanka in ka badan 26 Kun Shacabka reer Hargeysa ah oo codkooda siiyey.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa isla shalayba ka jawaabay baaqa Cabdikariim Axmed Mooge, waxaanu isaga iyo tobanneeyo ka mid ah mudaneyaasha cusub ee loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa ku qaabilay kulan ka qabsoomay xarunta madaxtooyada, waxaanu madaxweynuhu halkaas uga caddeeyey inuu ku garab-taagan yahay wax kasta oo ay xaq u leeyihiin isla markaana uu ku taageerayo tallaabo kasta oo sharcigu u oggol yahay.

Haddaba, Xoghayaha Xidhiidhka gobollada iyo Degmooyinka ee Xisbiga UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf, ayaa sheegay in labada xisbi Mucaarad ku guul-darraysteen inay heshiis ka gaadhaan saami-qaybsiga kuraasta Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Maayarka magaalada Hargeysa.

Xoghaye Cabdiqani oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi midoobi karaan, balse ay ku fashilmeen inay heshiis ka gaadhaan maayarnimada Cabdikariim Axmed Mooge.

Waxa uu Xoghayahu meesha saaray in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka soo horjeedo damaca Maayarnimada ee Cabdikariim Mooge.

Xoghaye Salaf waxa uu madaxweynaha Somaliland ku ammaanay hirgelinta doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu sheegay inay sumcad iyo magac u soo jiideen Somaliland, taasina ay tahay tallaabo taariikhi ah oo uu ku ammaanan yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyey kulanka qaabilaadda ah ee kaga jawaabay baaqii uu u diray Cabdikariim Axmed Mooge oo uu shalay gelinkii dambe ku qaabilay madaxtooyada isaga iyo xildhibaanno kale oo ka tirsan mudaneyaasha loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa.

Dhanka kale, Siyaasi Aadan Dhoolayare ayaa sheegay inuu fashilmay isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka, isagoo taas ku sababeeyey kalsoonida lagu qabi karo xildhibaannada la doortay ee labada xisbi ka soo baxay.

Siyaasiga oo wax laga weydiiyey aragtidiisa ku aaddan isbahaysiga Xisbiga Mucaaradka iyo natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay, waxa uu sheegay in la mahadiyey oo Somaliland magac iyo mansab caalami ah ku heshay qabsoomidda Doorashadaas oo uu ku tilmaamay mid ammaanta wanaageeda iyo hirgelinteedaba uu leeyahay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Biixi Cabdi isla markaana ay tahay horumar iyo bogaadin u soo korodhay Somaliland.

Siyaasi Dhoolayare waxa uu sheegay in isbahaysiga ay mucaaradku samaysteen yahay mid aan cago buuran ku taagnayn isla markaana u muuqdo inuu fashilmayo, isagoo taas ku sababeeyey xildhibaannada labada xisbi uga soo baxay deegaanka iyo wakiillada oo uu sheegay inay ku cusub yihiin oo aanay ku jiri jirin xisbiyada, sidaas awgeed aanay bud-dhig u noqon karin Isbahaysiga ay mucaaradku ku doonayaan inay ku hantaan shir-guddoonka wakiillada iyo hoggaanka goleyaasha deegaanka dalka.

Dhinaca kale, La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isbahaysi ay Xisbiyada Mucaraadku sameeysteen, loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka iyo aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sheegay inaanay arrin siyaasadda dalka ku cusub ahayn isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradku oo ay hore u dhacday xilligii dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, sidaas awgeedna aanay wax dhibaato ah ku lahayn dalka iyo dowladdaba.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On