Wararkii u dambeeyey ee Xaaladda Madaxweynihii DDSI oo la’yahay iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga deegaanka oo Addis Ababa looga yeedhay

Jigjiga (SLpost)- Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga DDSI ayaa looga yeedhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay hore ugu sugnaayeen xubno kale oo xisbigaas ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan Xisbiga DDSI oo u warramay telefishanka HCTV, ayaa sheegay inuu xidhan yahay isla markaana meel uu ku sugan yahay aan laga war-haynin madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo todobaadkan ciidamo Milatari ahi ka qaadeen magaalada Jigjiga, iyadoo loo qaaday dhinaca magaalada Addis Ababa.

Faahfaahinta warkan Kaga Bogo Muuqaalkan Hoose