Wararkii u Dambeeyey Dagaalka Palestine-Israel, Tirada Dhimashada Oo Korodhay iyo Go’aanka Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Tirada dhimashada shacabka Falastiiniyiinta ayaa maraysa 421 oo ay ku jiraan 78 carruur ah iyo 41 dumar ah tan iyo Axaddii shalay oo Milatariga Israel duqeyn xagga cirka ah ku bilaabay Magaalada Gaza oo xarun u ah dhaq-dhaqaaqyada gobanimo-doonka ah ee Falastiiniyiinta.

Kooxda Samata-bixinta ee dalka Israel ayaa shaaciyey inay 260 meyd ah ka soo saareen goob bandhig-faneed lagu qabanayey oo Sabtidii ay weerareen dagaalyahannada Falastiiniyiinta Hamas ee ka hawl-gala marinka Qaza.

Dadka meydkooda la soo saaray oo u badan muwaadiniin u dhashay Israel, waxa ku jira 16 qof oo u kala dhashay dalalka Maraykanka, Ukraine, Neptal iyo France.

Sidoo kale, waxa weerarkaas ku geeriyooday 44 Askari oo ka tirsan Milatariga Israel halka tiro intaas ka badani ay gacanta ku jiraan dagaalyahannada Falastiiniyiinta oo gacan ku dhigay Sabtidii kaddib markii ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaalla Koonfurta Israel.

Waxa wali socda duqeymaha Israel ku waddo marinka Gaza iyo dagaallo Koonfurta Israel ku dhexmaray xoogagga Falastiiyiinta iyo milatariga Yuhuudda.

Dowladda Maraykanka, ayaa si cad u sheegtay inay garab-taagan tahay oo taageerayso Dowladda Israel, waxaanay ballan-qaadday inay xeebaha dalkaas keenayso Maraakiib dagaal si ay taageero ugu muujiyaan Tel Aviv.

Kulan deg-deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maanta ka yeeshay dagaalka, ayaa lagu cambaareeyey weerarka Hamas ku qaadday Israel, haseyeeshee laguma soo hadal-qaadin duqeymaha ay Ciidamada Israel ka wadaan marinka Gaza, kaas oo ilaa Sabtidii toddobaadkan ay ku geeriyoodeen in ka badan 400 Qof oo carruur iyo haween ku jiraan.

Ku-xigeenka safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Robert Wood, ayaa sheegay inay waajib tahay inay beesha caalamku cambaareyso weerarka Hamas oo uu ku tilmaamay tallaabo aan laga fiirsan.