Wararkii u dambeeyey Dagaalka Boosaaso iyo Khasaaraha labada dhinac kala gaadhay

Advertisement

Dagaalkii Maanta ka Bilowmay Magaalada Bosaso Ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland Ee Udhaxeeyey Ciidamada Puntland ee u Hogaansan Awaamiirta Madaxweyne Deni iyo Ciidamada PSF ta ee iyana ka Amarka Qaadanaya Agaasimihii Deni Xilkaqaadista ku Sameeyey Maxamuud Cismaan Diyaano, ayaa Layskugu Gabal Dhacsaday caawa.

Waxaa laga cabsi qabaa mar kale Subaxa hore ee Berri in uu ka bilowmo dagaal aan waxba laysku habran Magaalada Bosaso waaba hadii aan la is mirine.

Ciidamo Gurmad ah oo tirabeela ayaa ka kala baxay Garowe Galkacyo iyo jiida hore ee tukaraq kuwaasoo dhammaantood oo jihaystay Dhanka Gobolka bari Waa Magaalada Bosaso,e

Advertisement

Dhinaca kale Ciidamada Psf ayaa Guul ka sheegtay dagaalkii Maanta ka Dhacay Bosaso oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba lah dhaliyey Waxaana ay Soo bandhigeen 36 Askari Oo Maxaabiis Ahaan ay uga Qabteen Ciidamada Puntland iyo 4 Askari Oo dhaawac ah oo Lagu dabiibayo Xarunta Caafimaadka ee PSF oo ku Dhextaal Xerada Ciidanku Degan yahay Sidoo kale Ciidamada Psf ayaa Soo Bandhigay Gawaadhi Gaashaaman oo ay ku Qabsadeen Dagaalkii Maanta .

Agaasimahii Hayada Psf ee Madaxweyne Deni Xilka Qaadista ku Sameeyey ayaa Bartiisa Facebook ga Soo dhigay Hadalo hanjabaad ubadan Shacabkana Loogu Qalbi Dhayayo.

Agaasimaha ayaa Sheegay in Dagaalka ay u adeegsan Doonaan technology yadii ugu dambaysay sidoo kale waxuu Sheegay in ay marhore Soo afjari lahaayeen dagaalka ee ay utudhayaan dadka Shacabka ah Sidaasi Daraadeedna Aanay isticmaalayn hubkooda Calculus Ee Casriga ah.

Dhanka kale Maamulka Gobolka bari oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Ciidanka PSF ay ka barbar Dagaalamayaan Ciidamo ka Tirsan D.F.S Waa Ciidamada Gorgor iyo Haramcad e. Taasoo Laga Dhadhansan karo guul daradii kasoo gaadhay Dagaalkii Maanta.

Somalilandpost.net

Advertisement