Wararkii u dambeeyey Af-gembiga Milatari ee Sudan, Ra’iisul-wasaarihii & Wasiirradiisii oo la xidhay iyo Walaaca Beesha Caalamka

Advertisement

Khardoum (SLpost)- Milatari dalka Suudaan ayaa maanta talada ka tuuray Xukuumad ku-meel-gaadh ahayd oo labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay talada dalkaas.

Jeneraalka ugu sarreeya Sudan oo hoggaaminaya Af-gembi maanta ka dhacay dalkaas, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray Xukuumaddii ku-meel gaadhka ahayd, isaga oo ku dhawaaqay dhismaha dowlad cusub.

General Abdel Fattah al-Burhan ayaa hadalkiisa ka sheegay telefishanka Dowladda, kaddib markii ciidamadu ay xidheen Ra’iisul-wasaare Cabdalla Xamduuk iyo wasiiro kale.

Advertisement

“Si aan u saxno waddada kacaanka, waxaan ku dhawaaqnay xaalad deg deg ah, waxaan kala dirnay golihii ku-meel gaadhka ee qarannimada, waxaan kala dirnay golihii wasiirada,” ayuu yidhi Generaal Abdel Fattah.

Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex jiray militariga iyo xukuumadda rayidka ah ee talada dalkaasi sida wadajirka u hayay tan iyo markii xukunka laga eryay madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashir.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa isla maanta sheegtay in adeegyada internet-ka laga jaray dalka oo dhan iyadoo la xidhay waddooyinka waaweyn iyo buundooyinka isku xidha Caasimadda Khartoum.

Bilowgii Af-gembiga, Askarta ayaa xoog ku galay xarunta idaacadda dowladda Sudan oo ku taal magaalada Omdurman ee duleedka caasimadda, sida ay sheegtay wasaaradda Warfaafintu, waxaana warbaahinta laga sii daayey heeso waddani ah.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP oo aanu warka ka soo xigannay, Shacab tiro badan ayaa isugu baxay jidadka caasimadda, iyagoo taayirro ku gubay is-goysyada Jidadka, waxaanay ka soo horjeedeen tallaabada Milatari ku kacay.

Tallaabadan waxa isla markiiba cambaareeyey dowladaha Caalamka oo dowladda Maraykanku u horeyso iyo Qaramada Midoobay. Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa sheegay in Maraykanku ka walaalacsan yahay tallaabada Milatarigu ku kacay, waxaanu sheegay in isbeddel kasta oo khasab ku yimaaddaa ay caqabad ku tahay taageerada Marakanka ee dalkaas.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay tallaada ay Milatariga dalkaasi ku kaceen oo ay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin.

Somalilandpost.net 

editor@somalilandpost.net

Advertisement