“Warancade Waxay Ahayd Inuu Mar Hore Is Casilo” Xildhibaan Xoog

Hargeysa  (SL.Post) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan golaha wakiilada iyo xisbiga Waddani, ayaa cadaalad darro ku tilmaamay isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo, isagoo isweydiiyay su’aal ay dadka badankiisu isweydiiyaan ee ah sababta Madaxweyne Siilaanyo u baal maro wasiirada beeshiisa ee mar walba ka badbaada isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista.

 

 

 

 

Xildhibaanka oo shirjaraa’id qabtay, wuxuu kaloo sheegay in Cali Warancade si rasmi ah u aqbalay inuu qabto jagada wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya. “Sidaan u arko isku shaandhayntii, waxaan u arkaa mid aan cadaalad ku fadhiyin oo wasiiro beesha madaxweynaha ah oo lama taabtaan ah oo seefta madaxtooyadu aanay taaban, isku shaandhayntaasi dadka kale oo dhan way taabataa. Shan wasiir oo lama taabtaan ah oo kala ah , wasiir Cali Siciid Raygal, Wasiir Cali Mareexaan,Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka macdanta Xuseen Ducaale, waa wasiiro rigli ah oo isku shaandhayn kasta ka badbaada oo ay seeftu xagooda saawil ka tahay.” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

 

 

Isagoo ka hadlaya Wasiir Cali Warancade iyo xil ka qaadistiisa, wuxuu yidhi  “Wasiirka deegaanka layga doortay ee Cali Warancade, saaxiibkay Cali waxay ahayd inuu mar hore is casilo, awoodihiisa in badan ayaa lagu takri falay isagoo meesha iska fadhiya. Maanta waa la casilay anigu waan la hadlay waxaanan weydiiyay inuu qaatay safiirnimada Itoobiya ee lagu magacaabay, Cali wuxuu ii sheegay inuu qaatay oo anigaaba ka caodsaday oo idhi halkaasaan ku nasanayaa ayuu yidhi, wasiirka duulista la geeyayna wuu taageeray oo wuxuu yidhi anaa idhi inankaas geeya wuu ila shaqeeyee, waanu ogolyahay wasiirka cusub, waana wasiir dhallinyaro ah oo firfircoon.”

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa