Waraabe Awr Ku Cunay Gudaha Magaalada Hargeysa+ Daawo Sawiro

Hargeysa(SLpost)-Waraabe ayaa ku cunay gudaha magaaalada weyn ee Hargeysa Awr ka mid ahaa kuwa iibka loo keeno saylada magaalada oo sida la filaayo magaalada kaga dhex baxsaday dadkii watay.

awar awar1 awr2

Awrkan oo seetaysnaa ayaa uu waraabihu ku cunay meel waxyar uun u jirta taliska guud ee ciidanka qaranka oo uu habeenimadii awrkaasi ku dib jiray, waraabaha ayaan awrka nabaro badan gaadhsiin waxase uu ka soo riday caloosha taas oo sababtay dhimashadiisa sida la filaayo.

Dadka la dariska ah goobtan Waraabahu uu Awrka ku cunay ayaa sheegay inay maqlayeen cabaadka awrkaas oo xad dhaaf ahaa, waxse dadkasi aanay filayn in waraabe magaalada gudaheeda uu ku cunaayo Awrkan.

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ku soo badanaaya magaalooyinka waaweyn ee Somaliland geela loo daaq keeno, kaas oo aad u cuna dhirta ay ka midka yihiin tiinka,ciinka iyo waliba dhirta hadhka dadka magaaladu ay u beerteen, waxse haatan ah mid cusub in waraabihiina uu geelii magaalada soo galay ka daba yimi.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland.