War Deg Deg Ah:- Isku Shaandhayn Xilka Qaadis iyo Magacaabis Lagu Sameeyay Bahda Garsoorka Dalka

Hargeysa(SLpost)-Gudida caadaalada Somaliland ayaa isku shaandhayn,xilkaqaadis iyo macaaabis ku sameeyay haayadaha kala duwan ee garsoorka guud ahaan dalka.

warkan oo aan wali warbaahinta la soo gaadhsiin waxa uu sheegayaa sida ay ilo xogogaal ah ka heshay shabkada Somalilandpost in isku shaandhayn culus oo la doonayo wax lagaga qabto heerka cadaalada ee dalka lagu dhaqaaqay.

dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu kulan la qaatay bahda cadaala isla maraasna ka codsaday in sare loo qaado cadaalada dalka, waxaana haatan ay u muuqataa in shacabiga Somaliland laga hor leexinaayo garsoorayaal cadaalad xumo ku tilmaamnaa. waxaana saacadaha soo socda la filayaa in wasaarada cadaaladu ay baahiso isbadalkaas baaxada leh ee lagu sameeyay qaybaha kala duwan ee maxkamadaha dalka.