War Deg Deg Ah Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Gudoomiye Cirro iyo Kuxigeenkiisa ku Dhex Maray Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada

Hargeysa(SLpost)-Dagaal gacan ka hadal ah ayaa ku dhexmaray golaha wakiilada fadhigii maanta oo loo balansanaa mooshin kale oo xukuumadu ay soo abaabushay lana doonayay in haamaha shidaalka lagu wareejiyo ganacsato.

11998020_903866646327699_1684832575_n 11950987_903866596327704_2033011238_n 11997340_903866512994379_689044891_n 11994329_903866619661035_2132564481_n

12004081_951870748234654_972138565980988230_n

 

Mooshinkan oo ay keeneen golaha wakiilada 38 mudane ayaa laga hor akhriyay fadhiga waxaana markaas ku sugnaa fadhiga 35 mudane oo kuwii keenay ah, gudoomiye Cirro ayaa intaas kadib golaha ka hor akhriyay xeer hoosaadka golaha qodobkiisa 43-aad faqradiisa labaad oo sheegaysa in aanu golahu mooshin isku mid ah ka wada doodi karin inta lagu jiro hal kala fadhi, waxaanu halkaas ka sheegay kala fadhiga dane oo noqonaaya sanadka danbe in mooshinkaas laga doodo doono,

Gudoomiye ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa intaas kadib bilaabay inuu golaha ka hor hadlo, waxaana u diiday gudoomiye Cirro halkaas ayuuna ka bilawday dagaalka gacan ka hadalka ah, wax qasaare ah oo buuran kama dhacin dagaalkan marka laga reebo laba nabar oodhinaca bidix ka gaadhay gudoomiye ku xigeen Baashi Maxamed Faarax.

Waxyar kadib ayaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa hadaladii laga yidhi iyo muuqaalka dagalkaas.