War Cusub oo ka soo kordhay Dhacdadii Suxufiyad Hoodo Garays iyo Taliska Ciidanka Booliska oo si faahfaahsan uga hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa faahfaahin ka bixiyey Qaabkii ay ku timi dhacdadii Dhexmartay Suxufiyad Hoodo Garays oo ay weheliso hooyadeed iyo Askar ka tirsan Ciidanka Booliska ee Saldhigga Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa.

Hoodo Garays oo ah saxafiyad ka hawl-gasha mid mid ah telefishannada Afka Soomaaliga ee xaruntoodu tahay magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska ee Saldhigga Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa gacan u qaadeen isla markaana ay dhaawacyo ka gaadhsiiyeen wejiga.

Dhacdada waxa si weyn u cambaareeyey qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa masuuliyad-darro ay ku kaceen ciidanka Booliska ee faraha saaray gabadhan suxufiyadda ah.

Haseyeeshee, fhayeenka Ciidanka Booliska oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidanka oo caawa warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa gebi ahaanba dedafeeyey eedaymaha loo jeediyey Ciidanka, waxaanu tallaabadan ku tilmaamay mid lagu wax-yeelanaysa sharafta Ciidammada Ammaanka isla markaana cadaawad lagaga dhex-dhalinayo Shacabka iyo Booliska.

Haddaba, Muuqaalka Hoose kaga Hadallada Afhayeenka Ciidanka Boolisku ka sheegay arrintan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net