War Cusub oo ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dowladda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, waxa uu kaga hadlay Fasaxa sannadlaha ah ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da May, 2020 ee Jimcaha maalinta berri oo sida caadiga shaqaale-weynaha dunida Muslimka oo Somaliland ku jirto fasax yihiin.

Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in Maadaama oo Fasaxii Dastuuriga ahaa ku beegmay Jimcaha Berri ay Fasaxa shaqaalaha Dawladda dib ugu riixeen maalinta Sabtida, sidaasi darteedna uu Shaqaale-weynaha Dawladdu fasax yahay Maalinta Sabtida oo ku beegan 2-da bisha May 2020-ka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska hay’adda Shaqaalaha Dowlada ayaa u qornaa sida hoos ka muuqata