Wan Wan Hargeysa Ku Dilay Oo La Xidhay Kana Gabyay Xadhiga Loo Gaystay

Hargeysa(SLpost)-Wankii lagu xidhay saldhigga Daami ee magaalada Hargeysa kaddib markii uu wan kale hirdi ku dilay, ayaa soo tiriyay maanso la yidhaahdo ADYAD oo uu ku la garnaqsanayo askarigii xidhay iyo guud ahaan aadamaha.

Arrin weeye yaab loo, 

Waa xaajo uguboo, 

Abid aan la maqaloo, 

Intay ido jireen iyo, 

Adduunyada dhamaanteed, 

Abwaan aanu soo werin.

Taliskii Afweyniyo, 

Askartii dameeraha, 

Ku illawday jeelkee, 

Cabdi-qays ka ooyiyo, 

Eelkii na soo maray, 

Adigaa ka yaab badan.

Haddaan eed sameeyoo, 

Inaadeerkay aan dilay, 

Xeerkii idaha iyo, 

Sharci adhi saxeexoo, 

Adag baannu leennee, 

Maxaa adiga kaa galay, 

Aanada walaalkay.

Aadamuu gar daranaa, 

Adyad iyo dhib badanaa. 

kibir iyo is-qaadqaad, 

aflagaaddo badanaa.

Ku darsoo inkaaraha, 

Ushaad ila dhacaysaa, 

Oofaha I jabisoo, 

Aramida xanuunkaan,

U adkaysanaayee, 

Bal miyaa ayaan qudha, 

Anoo aa le maqasheen?!

Aroortii timaaddaba, 

Adigaa walaalkay, 

Iyo ina-adeerkay, 

Dhaafiya unuunkoo, 

Ku udxaysanaayee,

Anigaa uguufyoow, 

Kaa aarsan waayoo, 

Aanadii tolkay iyo, 

Godobtii illaawee, 

Miyaad maanta edeg iyo, 

Igu oodan layd jeel?

Immikana dadyaw baas, 

Haddii aan aroortaba, 

Layga furin albaabada, 

Ammintaa wixii dhaca, 

Caqligiinna eersada.

Abhintayda dheer iyo,

Alifleyda maansada, 

Aan soo af-meeree,

Idinkaa adduunyada, 

Amakaagga joogiyo, 

Waxa aafo dhacayiyo, 

Ugu wacan abaaraha.

~ Aadan Cadde,~