“Wali waxaan la tacaalayaa Xannuunadii aan ka qaaday Xilkii hore ee qabtay, immikana diyaar uma ihi…” Siyaasi Abgaal

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta xukuumaddi madaxweyne Siilaanyo, Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegay inuu caafimaad-darro la soo deristay naftiisa isla markaana uu xannuuno ka qaaday muddadii uu xilka hayay lacago ka badan mushaharkiisa oo uu ku takri-falay, maadaama oo sida uu sheegay uu ku filnaan waayey mushaharkii uu qaadan jiray.

Siyaasi Maxmed Abgaal oo si adag u naqdiyey hoggaaminta siyaasadeed ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse BiixiSiyaasi Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanu xil dambe ka qaban doonin Somaliland maadaama aanay isku dheelli-tirnayn masuuliyadda xilka loo dhiibayo iyo mushaharka uu qaadanayo. Waxa kale oo uu sheegay inuu xilligan la tacaalayo xannuunadii ka soo gaadhay lacagahaas xaaraanta ah ee ku baxsaday.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE