“Walaahi baan madaxweyneyaal badan la samayn, ururrada waa la furayaa” – Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyey hadal toddobaadkii hore ka soo yeedhay murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo sheegay in dalku madaxweyneyaal badan yeelan doono haddii aanu Md Muuse Biixi doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qaban.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jaray Xarun loogu talo-galay Maareynta Biyaha dhulka hoostiisa ku jira oo laga hirgeliyey Hargeysa, waxa uu sheegay inay shacabka Somaliland yihiin waayo-arag ka koray hanjabaadda iyo rabitaanka shaqsiga ku dhisan ee siyaasiyiintu ku doonayaan inay ku fuulaan kursiga dalka, isla markaana suurta-gal ahayn in dalku madaxweyneyaal Badan yeesho.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku baaqay in qof kasta oo Somaliland ku u dhashay ku qasban yahay inuu u hoggaansamo shuruucda dalka, wixii tabasho iyo dood ahna loo marayo xeerarka iyo nidaamka sharci ee dalka, waxaanu intaas ku daray la furayo ururrada Siyaasadda badhtamaha sannadkan.

Hadalka Madaxweynaha ka daawo Muuqaalka Hoose

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa ka soo horjeeda furitaanka ururrada siyaasadda oo sida dastuurka ku xusan ay tahay in 10-kii sannoba hal mar la furo. Saddexda Xisbi Qaran ee Waddani, UCID iyo Kulmiye oo Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-kii ka soo dhex-baxay ururradii kale ee siyaasadda oo ay tartameen kaddib markii badhtamaha sannadkii 2011-kii dib loo furay ururrada siyaasadda, waxa uu muddo-xileedkoodu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022 oo la furi doono diiwaangelinta Ururrada.

Balse Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashada Madaxtooyada oo ku beegan bisha November 2022-ka ay ka horeyso furista ururrada siyaasadda oo sida uu sheegay wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeerka Furista ururada lagu soo dooran doono Doorasho furan oo guud ahaan dalka ka qabsoonta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net