WADDANI Oo Si Qaawan Warbaahinta Uga Weeraray Siyaasiyiin Iyo Xildhibaan Xisbiga ka tirsan oo Taageeray Furista Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (SLpost) – Warbaahinta ku hadasha Afka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa weerar xambaarsan aragtida xisbiga ku qaaday xildhibaanno iyo siyaasiyiin taageeray furista ururrada, kuwaasi oo qaarkood ka mid ah Xisbiga WADDANI.

Wargeyska ayaa caddadkiisii Axadda Maanta lagu dabacay qoraallo anshaxa Warbaahinta ka durugsan oo lagu bartilmaameedsaday Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo hore uga tirsanaa Xisbiga Waddani iyo Xildhibaan Axmed Dayib (Ku-caddeeye) oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga ugu jira Golaha Wakiillada iyo Prof Cabdisalaam Yaasiin oo ah hoggaamiyaha ururka Somaliland-Jire, kuwaas oo labadooduba taageeray furista Ururrada Siyaasadda.

Xildhibaan Sheekh Axmed Dayib, ayaa ka mid ahaa mudaneyaal Golaha Wakiillada horkeenay mooshin khilaaf sababay oo ay ku dalbadeen inaan Golaha Wakiilladu ka doodin xeerka furista Ururrada siyaasadda oo ay ku doodayaan inuu dhaqan-gal yahay, balse uu u baahan yahay saxeexa Guddoomiyaha Wakiillada oo keliya.

Xeerka furista Ururrada siyaasadda ee Xeer Lr14, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada, ayuu Sheekhu ku dooday in xeerkaasi ansax yahay maadaama uu muddo-dhaafay wakhtigii Madaxweynaha ugu soo gudbin lahaa Golaha.

Laakiin, Wargeyska ayaa caddadkiisii maanta war ku soo baxay, ku sheegay in sababta uu Xildhibaan Axmed Dayib u taageeray furista Ururrada siyaasaddu tahay qabyaalad maadaama oo ay xildhibaanka isku degaan yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo eedayntaas oo ka soo horjeedda anshaxa warbaahinta iyo mihnadda saxaafadda ay u muuqato mid xambaarsan aragtida uu Xisbiga WADDANI ka qaatay doodda Xildhibaan Ku-caddeeye.

Aragtida ku soo baxday Wargeyska Waaberi ee lagu weeraray xildhibaanka ayaa ciwaan looga dhigay, “Xildhibaano uu Xisbiga Waddani u hiiliyey oo dhabarka u jeediyey iyo Sheekh Ku-caddeeye oo noqdo Fiqi tolkii kama janno tago.”, iyadoo qoraalka oo loo arki karo inuu xambaarsan aragtida Xisbiga uu gebi ahaanba ka baxsan yahay anshaxa saxaafadda iyo mihnadda suxufiga oo masuuliyad gaar ahi saara tahay.

Sidoo kale, waxa uu Wargeysku weeraray Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ahaan jiray Xisbiga Waddani, balse markii dambe isaga baxay, kaddib markii sida ay sheegeen ay u cuntami wayday hannaanka hoggaamineed iyo hanka siyaasadeed ee Masuuliyiinta Saddexda xisbi ee dalka oo uu ugu horreysiiyey Xisbiga Waddani ee uu ka tirsanaa.

Qoraallada lagu daabacay Wargeyska Waaberi oo sida muuqata xambaarsan aragtida Xisbiga Waddani, ayaa siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin ku weeraray Maqaal lagu daabacay Caddadka maanta, kaas oo ciwaan looga dhigay sidan:- “Madaxweynaha uu muddo-xileedkiisii sii dhammaanayo oo miciin-biday Kooxo Weji-ku-macaash ah iyo Rafadkiisii oo caqabad ku ah Golaha Wakiillada”.

Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Shaqsiyaadkii u horreeyey ee aasaasay Ururkii SNM, ayaa ka mid ah siyaasiyiin majaraha u haysa urur lagu magacaabo Somaliland-Jire oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin iyo Mujaahidiin ku suntan halgankii dib-u-xoreynta dalka.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin, ayaa hore shaaciyey inuu taageersan yahay furista ururrada siyaasadda.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo toddobaadkii hore warbaahinta kula hadlay Hargeysa kaddib markii ay soo if-baxday qorshaha furista ururrada siyaasadda iyo Dhaqan-gelinta Xeer14, waxa uu ku eedeeyay Hoggaanka Xisbiga Waddani inaanu lexejeclo ka lahayn dalka, balse ay u ooman yihiin sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen hoggaaminta dalka oo uu sheegay inay hamuuni u hayso.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa eedaynta uu xisbiga u jeediyey ay daba-socday dhawaaq hanjabaad ku lammaan tahay oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha cusub ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kuwaasi oo si wada jir ah u qaaddacay in xilligan la furo ururrada Siyaasadda ee dalka.

Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu taageeray furista ururrada siyaasadda oo uu sheegay in wakhtigeedii la joogo, waxaanu ku baaqay in xukuumaddu diyaariso guddiga Kala-saarista Ururrada siyaasadda si loo dhammaystiro hawlaha furista ururrada.

Si kastaba, ha ahaatee, Qoraallada Wargeyska ku weerarray siyaasiyiintan iyo Xildhibaanka ka tirsan mudaneyaasha Xisbiga ugu jira Golaha Wakiillada ee lagu eedeeyey inuu qabyaalad ku taageeray furista ururrada, ayaa soo bandhigaysa aragtida siyaasadeed ee Hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani aamisan yahay.

Wargeyska Waaberi, waxa Mulkiyaddiisa iska leh Xildhibaan Xasan Cumar Xasan (Xasan-ogaal) oo ka mid ah mudeyaasha Golaha Wakiillada ee Xisbiga Waddani uga soo baxay Gobolka Saaxil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net