Wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo mar kale Dib-u-dhac ku yimi muddo kooban

somaliland vs SomaliaHargeysa (SLpost)- Wada-hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo lagu waday inay maanta ka furmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa mar kale dib-dhac ku yimi.

Lama oga sababta keentay in wada hadaladu dib u dhacaan balse hore waxaa labada dhinac ugu qorshaysnaa in 26-ka Bishan oo maanta ku beegnayd wada-hadaladu dib uga furmaan Turkiga.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in wada-hadaladu muddo kooban dib u dhaceen islamarkaana 1-da bisha March oo muddo todobaad ahi ka hadhsan tahay ay Turkiga ka furmi doonaan.

Wasiirka Maxamed Biixi Yoonis oo maanta ladlayey laanta Afka Soomalaiga ee BBC-da ma sheegin sababta keentay in mar kale dib-u-dhac ku yimaaddo wada-hadallada labada dhinac, haseyeeshee waxa la ogyahay inay jiraan arrimo farsamo iyo diyaar-garow la’aan ka jirta dhinaca Soomaaliya.

Guddiga Somaliland u metelaysa wada-hadallada, ayaa maalmihii u dambeeyey ku mashquulsaanaa u diyaar-garowga shirka iyaga oo kulamo la qaadanayey dhinacyada siyaasadda Somaliland

Eryaga wada-hadallada u metelaysa Somaliland, ayaa shirka la tagaysa sidii loogu gudbo arrimaha masiiriga ah oo Aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland ugu horeyso. Halka Dhinaca Soomaaliya iyo dalka Turkiga oo Maalgelinaya, ay ka doonayaan in dib loo soo celiyo midnimadii Soomaaliya.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa ku kala qaybsamay sii socoshada shirka wada-hadallada, iyada oo xisbiga Mucaaradka ee Waddani ka soo horjeestay, halka xisbiga kale ee Mucaaradka ee UCID ay taageereen wada-hadallada.

Somaliland ayaa ajandaheeda geed ka go’anka ahi yahay in Gooni isku taagu yahay lama taabtaan, sidoo kalena Somalia ayaa aaminsan inaanay suuro gal ahayn in laga wada-hadlo kala goynta wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Somalilandpost.net