“Waar Jabhad lahaanine, Karoonaha ka Dhuunta!” – Siyaasi Jaamac Shabeel oo Caqli-xumo ku tilmaamay Koox Jabhad ka iclaamisay Sanaag

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka mid ah siyaasiyiinta madaxa-bannaan ee dalka ayaa tallaabo deel-qaaf iyo caqli-xumo ku tilmaamay Koox deegaamada Galbeedka Gobolka Sanaag kaga dhawaaqay Jahbad Khamiistii Shalay.

Siyaasi Jaamac Shabeel

Kooxda sheegtay inay Jabhadda ku dhawaaqeen, ayaa sababaha ku kallifay go’aankooda ku micneeyey caddaalad-darro ay ka tirsanayaan Xukuumadda Somaliland, iyagoo ku gooddiyey inay diyaar u yihiin dagaal ay la gaalaan ciidamada Somaliland haddii Gacan la saaro Boqor Cismaan Buur-madow oo Beeshooda ka tirsan, kaas oo ay sheegeen in loo hanjabay.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa dhawaan ku baaqay in madax-dhaqameedka laga qayb-galiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaas oo xukuumadda iyo axsaabta siyaasaddu si adag uga biyo-diideen ugu baaqeen in madax-dhaqameedku ku ekaadaan hawlaha Dhaqanka ee ay beelahooda ugu xil-saaran yihiin.

Haddaba, Siyaasi Jaamac Shabeel oo hore u ahaan jiray guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa mar uu maanta la hadlayey Warbaahinta, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab kallifi karta in beesha kooxdaasi ka soo jeeddo ku tallaabsadaan go’aan noocan ah.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net