“Waanu dareemeynaa xanuunka iyo murugada maanta haysata dadka reer Ukraine sababtoo ah…” Madaxweynaha Somaliland

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo booqasho rasmi ah u jooga dalka Maraykanka, ayaa fiidnimadii caawa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xarunta laga hoggaamiyo siyaasadda Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka ee Heritage Foundation.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka iyo baahida Somaliland u qabto aqoonsi caalami ah oo ay beesha caalamka ka hesho.

Md Muuse Biixi oo khudbaddiisa kaga hadlay laga soo bilaabo midnimadii hungowday ee Soomaaliya iyo taabba-galka dowladnimada Somaliland, waxa uu si gaar ah uga hadlay dhibaatada xilligan ka taagan dalka Ukraine oo uu xusay inay Shacabka Somaliland dareemi karaan xannaanka uu leeyahay duullaanka milatari ee lagu qaaday iyo xasuuqa lagu hayo shacabka dalkaas maadaama oo Shacabka Somaliland hore u soo mareen xasuuq iyo tacaddiyo ay u geysteen ciidamadii taliskii dowladii Kacaanka ee Soomaaliya.

“Maanta adduunka oo dhami wuxuu ku fooggan yahay dhibaatada ka socota Ukraine; hadday tahay Duqeymaha, burburka, dhimashada, dhibaatooyinka baaxadda leh iyo qulqulatooyinka qaxootiga Yurub.

Dhibaatada maanta dadka reer Ukrain loo geysanayo indhaheenna ayaynu ku arkaynaa innagoo ku arkayna dhacdooyinka wararka 24-ka iyo Baraha Bulshada. Tani waxay annaga na soo xusuusinaysaa xasuuqii loo kaystay shacabkakayaga 33sanno ka hor. Waxay ahayd masiibo aan joobjoog u ahaa, taas oo xasuuq loogu geystay in ka badan 50,000 oo dadkayaga ah oo ku qudhbaxay gacanta dowladdii Somalia, taas oo sababtay in ka badan Hal Milyan oo Dadkayaga ahi inay noqdaan Qaxoonti dibadda u baxay ama gudaha ku baracay,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Annagu waanu dareemeynaa xanuunka iyo murugada ay maanta haysata dadka reer Ukraine sababtoo ah annaga ayay hore noo noogu dhacday. Waxaanu kaga duwannay in annaga Xasuuqii dadka loo geystay dunida laga qariyey xilligaas oo aanay jirin wararka 24 saac la baahiyo.

Si kastaba ha ahaatee, xusuusta qadhaadh ee wixii aanu soo marnay waanu xusuusannahay oo aan waligeed la illaabi doonin,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net