Waalidiinta Ardayda Dugsiga Sare ee Nuuradiin oo Cambaareeyey Falkii shalay ubadkoodu khasaaraha ugu geysteen Dugsiga

 

Hargeysa (SLpost)- Waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan Dugsiga Sare ee Nuuradiin, ayaa cambaareeyey dhacdadii shalay ardayda dugsigaasi waxyeellada ugu geysteen Dhismaha iyo Agabka yaalla qaybta Wiilashada dugsiga ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay ardaydii shalay ku kacay bannaan-baxa khasaaraha sababay keenay oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dugsiga ee xaafadda Jigjiga Yar, waxa ay sheegeen inay si weyn u cambaareynayaan falkaas ay ku kaceen ardayda ay waalidiintooda yihiin oo ay ku tilmaameen inuu ahaa shoobaro cid gaar ahi ka dambaysay.

Waalidiinta ardayda waxbaratay Dugsiga Nuuradiin, waxa ay bahda Waxbarashada Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Waxbarashada ugu baaqeen in si weyn looga qayb-qaato sidii waxbarashadu dib ugu bilaabmi lahayd ardayda, dugsigana dib loogu furi lahaa.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadalladii ay waalidiintu jeediyeen kaga bogo oo ka daawo Muuqaalka Hoose

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ay weheliyaan Maamuleyaasha dugsiyada iyo Guddoomiyaha dalladda Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ee Al-Fajri Cabdiraxmaan Ismaaciil, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka hadlay dhacdada waxyeellada khasaaraha badan sababtay loogu geystay dugsiga oo uu ku tilmaamay nasiib-darro saamayn ku yeelanaysa guud ahaan bahda waxbarashada ee dalka.

Guddoomiye Mahad Ibraahim waxa uu sheegay in baadhitaan lagu samaynayo dhacdadan, cid kasta oo ka dambaysay ama ku lahaydna sharciga lala tiigsan doono.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net