“Waa Nin Cadowga Somaliland u shaqaynaya Nin maanta Suuqa Waaheen kala Fadh-fadha” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay Barnaamuj ballaadhan oo Lacago loo qaybinayo dadkii ugu haynta hooseeyey ganacsatadii dhawaan hantidii ku gubatay dabkii suuqa Waaheen, si loo ganacsigoodii mar kale dib ugu bilaabaan.

Munaasibadda qaybinta lacagta oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddida ganacsatada suuqa Waaheen, ayey ujeeddadeedu ahayd in hawlgalka Ballaadhan ee dib loogu xoolaynayo dadkii hantidoodu ku waayey suuqa Waaheen lagu ibo furo ganacsatadii danyarta ahayd oo tiro koob lagu sameeyey, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000 oo doollarka Maraykanka ah.

Advertisement

Follow us On