“Waa Nasiib-darro in Dhiig Muslim laga Macaasho” – Eng Faysal Cali Waraabe oo Si adag uga hadlay Xiisadda Fadhigaab

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay colaad ka soo cusboonaatay deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, waxaanu baaq u diray wax-garadka iyo Bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda la hadlay maanta, waxa uu sidoo kale ka hadlay khatarta caabuqa Coronavirus waxaanu uu ugu baaqay Bulshada Somaliland inay qaataan talooyinka caafimaad ee la xidhiidha yaraynta faafitaanka Cudurka Covid-19.

Sidoo kale, Culimada ayuu u soo jeediyey inay ajiibaan yaraynta salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada Shacabka loo badbaadiyo.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net