Waa Kuma Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), sideesu uga dareen-celiyey Xilka loo magacaabay?

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale), ayaa ka dareen-celiyey Xilka madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi dabagale

Taliyaha Cusub ee Booliska Somaliland oo la hadlay Telefishanka Saab Tv, waxa uu sheegay Eebbe inuu u fududeeyo culays Xilka Qaran ee loo magacaabay.

“Allah ha noo fududeeyo, xil qaran weeyaane,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Daba-gale oo ka gaabsaday inuu wax intaas dheer ku daro su’aalo uu weydiiyey Weriye ka tirsan Telefishanka Saab Tv.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ku magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland inuu noqdo Sarreeye Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale), kaddib markii 1-dii bishan uu geeriyooday Taliyihii hore ee Booliska Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo in muddo ah xannuun u jiifay.

Taliye ku-xigeenka 1aad ee Booliska Somaliland Cabdi Xasan Mire

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale isla maanta Xilka ka qaaday Taliye ku-xigeenkii 1aad ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Cige oo isku deegaan ka soo jeedaan Taliyaha Cusub, kaas oo bilowgii bishan Xannuun ku soo booday muddo laba todobaad ah oo uu xilka hayay. Waxaanu madaxweynuhu beddelkiisa u magacaabay inuu Taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska noqdo Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire Faarax oo ahaa Taliyihii Qaybta Bariga ee magaalada Hargeysa.

 

Waa Kuma Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi?

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale), waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Ciidamada Qaranka.

Bilowgii Dhismaha Ciidanka Qaranka Somaliland intii u dhaxaysay sannadihii 1994-kii ilaa 95-kii waxa uu noqday Taliyaha Ururka 1aad ee guutada 1aad ee Ciidanka Qaranka. Labadii sanno ee xilligaas ku xigay waxa uu ahaa abaan-duulaha Ciidanka Qaranka ee Xeebta Galbeedka. Waxa kale oo uu soo qabtay xilka Taliyaha guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka sannadkii 1997-kii ilaa 2000.

Xilligii u horreysay ee uu Taliye Daba-gale ka hawl-galo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa ahayd intii u dhaxaysay sannadihii 2000 ilaa 2003-dii wakhtigaas oo uu ka mid noqday saraakiisha sar-sare ee waaxda Hoggaanka Hawl-gelinta Taliska Guud.

Sannadihii 2005-kii ilaa 2008-dii, waxa uu ahaa Hoggaan ku-xigeenka Taangiyada iyo Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada Qaranka.

Intii uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Qaranka, waxa uu tabobarro ku soo qaatay Kulliyado Milatari oo ku kala yaalla dalalka Ingiriiska iyo Ethiopia muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004-tii oo uu dalka Ingiriiska u tagay waxbarasho iyo Sannadkii 2008-dii ilaa 2011-kii oo uu dalka Itoobiya waxbarasho ku soo dhammaystay.

Muddadii uu ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, booska u sarreeya ee uu ka gaadhay ayaa ahayd inuu soo noqday Taliyaha Hawl-gelinta Ciidamada Milatariga Somaliland isaga oo soo noqday Gaashaanle Sare.

Haseyeeshee, Bishii May ee sanndkii 2015-kii, waxa isagoo xilkaas haya dallacsiiyey oo darajada Sarreeye Guuto siiyey Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com