“Waa inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa, arrinta ugu muhiimsani waa…” – Cabdiraxmaan Saylici

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta la soo gebo-gabeeyey, ayaa hambalyeeyey natiijada ka soo baxday shirweynaha, ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo bahweynta KULMIYE sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odaytinimo u diray bahweynta KULMIYE oo uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, midnimada iyo Danta xisbigana wax kasta ka horreysiiyaan oo muhiimadda koowaad siiyaan.

“Waxaan leeyahay dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa xisbinimadu inay qiimo yeelato.”

Md Cabdiraxmaan Saylici oo dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey ku fadhiyey kursiga guddoomiye ku-xigeenka 4aad ee Kulmiye, ayaa maalmo ka hor intii aanu shirweynaha xisbigu furmin waxa uu shaaciyey inuu ka tanaasulay inuu booskaas ku tartamo mar kale, kaddib markii uu loollan adag oo khilaaf siyaasadeed iyo mid deegaanba sababay kala kulmay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Maxamed Sacad (Saajin) oo ay isku gobol ka soo jeedaan, kaas oo isla shalay loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 4aad ee Xisbiga.

Muuqaalka Hoose ka daawo khudbadda Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ka jeediyey Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta la soo gebo-gabeeyey

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com