“Waa Inaan u caddeyno in Xuduudaha Dhuleed ee Somaliland Lama taabtaan yihiin, laguna ixtiraamo” – Xildhibaan Gavin Williamson

Advertisement

“In kasta oo ay wali jiraan Caqabado idin horyaalla Oo Aqoonsigu ka mid yahay, Waa Inaan u caddeyno in Xuduudaha Dhuleed ee Somaliland Lama taabtaan yihiin, laguna ixtiraamo.

Ingiriiska iyo Maraykanka oo kaliya maaha, balse waddan Kasta waxa ku waajiba inuu Aqoonsado Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Gavin Williamson Oo ka tirsan Baarlamaanka UK, kaas oo khudbad ka jeediyey Kulan lagu marti-qaaday saaxiibbada Somaliland ee dalka UK oo caawa ka qabsoomay magaalada London.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd iyo Ergayga Wada-hadallada Somalia Dr Edna Aden Ismaaciil, waxa soo qaban-qaabiyey Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Advertisement

Sir Gavin Alexander Williamson oo ay siyaasi saamayn ku leh siyaasadda dalka UK isla markaana xilal wasiir Oo kala duwan soo qabtay, ayaa sannadkii 2010-kii ku biiray baarlamaanka dalkaas oo uu ka tirsan yahay.

Advertisement